Home Wararka Maanta TV4:- Kooxaha Gangiska waxay bandow ku soo rogeen Xaafada Tensta ee Stockholm

TV4:- Kooxaha Gangiska waxay bandow ku soo rogeen Xaafada Tensta ee Stockholm

0

Dadka degan Xaafada Tensta ee waqooyi-galbeed Stockholm ayaa laga mamnuucay inay ka baxaan Xaafada. Kooxaha gaangiska ah ee Xaafada ayaa soo saaray Amarka mamnuucidda, sida uu sheegayo TV4.

– Waxay ahaayeen dad kooxahan ka mid ah oo banaanka u soo baxay isla markaana u sheegay Shacabka inayna banaanka ka bixin wixii ka dambeeya 6-da maqribnimo.

Markii la weydiiyay waxa ku dhici doona kuwa amarka jabiya, waxay ku jawaabtaa:

– Waxaa laguu geesan karaa dhibaato.

Galabnimadii Agoosto 25, bilaysku Stockholm  ayaa ogaaday in dad u soo baxa bartamaha Tensta aad u yaryihiin. Kadib, booliska ayaa helay macluumaad ah in dambiilayaasha ay bandow ku soo rogeen Xaafada

– Hore uma maqal. Waxaan hubaa in booliisku ay si dhab ah u tixgeliyaan macluumaadkaas ayna hubiyaan inay cadeeyaan sharciga Sweden uu qabanayo muwaadin kasta.

Ma jiro dambiilayaal loo oggol yahay inay xad u sameeyaan muwaadiniinta kale ee daacadda ah, ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Mikael Damberg (S) oo la hadlay TV4 Nyheterna.

Boolisku wuxuu cadeeyay in deegaanka Järva ay ku yaalliin shabakado dambiyeedyo badan geesta oo iska hor imaadyada dhexdooda ah ay sababeen dhowr dil iyo isku day dil mudooyinkii ugu dambeeyay.

Marka laga soo tago warbaahinta TV4 ma jirto bandow laga dareemay Xaafada Tensta oo ay daganyihiin dad Somali ah.

Hoos ka Akhriso warbixinta oo Af-swidhish ah

https://www.aftonbladet.se/nyheter/a/pALjoj/kriminella-utfardade-utegangsforbud-i-tensta

Somaliska Stockholm

Xigasho Aftonbladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here