Home Wararka Caalamka Turkiga oo tijaabiyay nidaamka difaaca S-400 ee Ruushku sameeyay ( Xiisad Cusub...

Turkiga oo tijaabiyay nidaamka difaaca S-400 ee Ruushku sameeyay ( Xiisad Cusub )

0
Sergei Malgavko / TASS

Gantaal ayaa laga tuuray xeebta Badda Madow ee Turkiga halkaas oo militariga laga filayay inay ku tijaabiyaan nidaamkooda difaaca ee S-400 ee Ruushka uu sameeyay, sida lagu sheegay fiidiyow ay soo bandhigtay Reuters.

Fiidiyowga, oo laga soo qaaday magaalada xeebta ah ee Sinop jimcihii, waxaa ka muuqday Muuqaalkaasi qiiq u jiheestay cirka.

Turkiga ayaa si weyn loo filayay inuu tijaabiyo todobaadkan nidaamkiisa S-400, ka dib markii uu soo saaray ogeysiisyo ku socda maraakiibta iyo diyaaradaha inay ka fogaadaan aagga badda madow

Telefishinka Haber oo ah xarun aad ugu dhow dowladda Turkiga ayaa sidoo kale bogeeda kaga warbixiyay tijaabadaasi Warbaahinta kale ee Turkiga waxay baahiyeen warbixino la mid ah.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga ayaa sheegtay in aysan inkiri doonin isla markana xaqiijinayaan tijaabooyinka gantaallada.

Tijaabooyinka S-400s waxay xiisad ka dhex abuuri kartaa Turkiga iyo Mareykanka, oo si weyn uga soo horjeeday iibsiga hubka ee Ankara ee Moscow sababo la xiriira inay wax u dhimayso nidaamka difaaca NATO.

Washington ayaa jawaab ka bixisay sanadkii hore markii ay ka joojisay Turkiga barnaamijkeeda diyaaradaha F-35 waxayna ku hanjabtay cunaqabateyn.

Jimcihii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay ka digtay “cawaaqib xumada ka dhalan karta” xiriirkeeda amniga ee Turkiga haddii ay dhaqaajiso nidaamka.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Morgan Ortagus ayaa yidhi “Haddii la xaqiijiyo, waxaan ku cambaareyneynaa ereyada ugu adag ee gantaalka tijaabada ah ee S-400 oo aan la jaan qaadi karin mas’uuliyadaha Turkiga ee xulafada NATO iyo istiraatiijiyadda Mareykanka.”

Bishii Ogosto, Hellenic Air Force F-16 waxaa lala bartilmaameedsaday raadaarka S-400 markii uu ka soo laabanayay dhuulatus militari oo caalami ah, iyadoo Turkiga si weyn loogu canaantay ficillada ay kula kacday saaxiibkeed NATO.

Turkiga ayaa heshiiska S-400 la saxiixday Ruushka sanadkii 2017. markaasi oo 4 galtaal ku soo iibsadeen qiimo gaaraya $ 2.5bn.

Turjumay Somaliska.com

Xigasho Aljazeera.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here