Home Wararka Caalamka Norway oo laga helay 35 nuuc oo Coronvirus ah

Norway oo laga helay 35 nuuc oo Coronvirus ah

0
Photo: Ole Berg-Rusten / NTB

Illaa iyo hadda, intii lagu jiray xaalada Corona 35 nooc oo kala duwan oo ah coronavirus ayaa laga helay Norway, waxaana 26 ka mid ah la helay bilaha Ogosto iyo Sebtember.

Wargeyska Aftenposten ayaa ku warramay in noocyada kala duwan ee fayraska lagu ogaadey baaritaan ballaaran. 

Weli lama xaqiijin in fayrasku is beddelay si uu awood ugu yeesho inuu si dhakhso leh u faafo.

Shir jaraa’id oo jimcihii uu qabtay dhakhtarka degmada Tove Røsstad ayuu ku sheegay in dhaqaatiirta Trondheim ay ogaadeen in viruska uu u dhaqmayo si ka duwan sidii hore isla markaana uu umuuqdo inuu si dhaqso leh ku faafayo

Sheegashooyinka waxaa baari doona Machadka Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha (FHI).

Cilmi baare sare Olav Hungnes oo ka tirsan FHI ayaa u sheegay Aftenposten in falanqaynta noocyada kaladuwan ay sahleyso in qaab loo karko Corona.

“Kuwani waa natiijooyin gebi ahaanba cusub, waxaana weli jira falanqeyn badan oo la sameeyo. Laakiin hadda waxaan soo marnay waddo dheer. Waan ku faraxsanahay taas, ”ayuu yiri baare sare Olav Hungnes oo ka tirsan FHI.

somaliska Oslo

Turjumay somaliska.com Xigasho NTB Scanpix

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here