Home Wararka Maanta Muran iyo dood ka taagan Xeerka Shaqada ee Dalka Sweden oo mar...

Muran iyo dood ka taagan Xeerka Shaqada ee Dalka Sweden oo mar kale leesku khilaafay

0
Photo: Jessica Gow / TT

Muddo dhowr toddobaad ah, shirkadaha iyo ururada shaqaalaha Dalka Sweden ayaa isku dayayey inay ku heshiiyaan xeerar cusub oo shaqo ah.

Laakiin Jimcihii wadahadallada ayaa markale fashilmay.
Waqtigaas, ururada shaqaalaha ee LO waxay diideen soo jeedinta shirkadaha.

Hadda waxaa jirta khatar ah in dowladdu ay go’aan ka gaarto xeerarka beddelkeeda. Tani waxay noqon kartaa dhibaato adag oo soo wajahda dhanka xeerka shaqada.

Dowlada ayaa horey ugu balan qaaday xisbiga Centerpartiet iyo Liberalerna inay badalaan sharciyada kana dhigaan sida ay rabaan.

Laakiin Xisbiga Bidixda ayaa leh maya isbadaladaas ay doonayaan xisbiyada. Xisbiga Bidixda ayaa ku hanjabay inay isku dayi doonaan inay ku qasbaan dowlada inay joojiso hadii ay isbedelada sameeyaan.

Waxay dhibaato ku noqon kartaa dowladda, ayuu yiri khabiir Tommy Möller.

Qofna ma oga dhab ahaan waxa hadda dhici doona.
Wasiirad Eva Nordmark ayaa sheegtay dhamaadka usbuucaan inay marka hore la kulmi doonto ururada shaqaalaha iyo shirkadaha.

Somaliska Stockholm

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here