Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Germalka oo Karantiil la galiyay kadib markii Corona laga helay ilaaliyihiisa...

Madaxweynaha Germalka oo Karantiil la galiyay kadib markii Corona laga helay ilaaliyihiisa gaarka

0

Afhayeenka Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa sheegay in la karantiilayo ka dib markii mid ka mid ah ilaaladiisa amniga laga helay COVID-19. Madaxweynaha ayaa wali sugaya natiijada baaritaanka coronavirus.

Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier ayaa la karantiilay sabtida maanta ka dib markii mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah laga helay cudurka coronavirus, sida ay sheegtay afhayeenad ka tirsan xafiiska madaxweynaha. 

Ilaaliyahan kamid ah waardiyaha gaarka ee madaxweynaha ayaa loo tixgeliyaa inuu yahay qof xiriir la leh heerka koowaad. Madaxweynaha ayaa maray tijaabada COVID-19, laakiin natiijada ugu horeysa wali lama helin, ayay tiri afhayeenka. 

Jarmalka ayaa diiwaan galiyay 7,830 oo infekshinka coronavirus ah 24-kii saac ee la soo dhaafay – waana tiradii ugu badnayd ee maalin kasta soo baxda tan iyo markii uu cudurku bilaabmay, sida uu sheegay machadka Robert Koch. 

Steinmeier ayaa lagu waday inuu ka soo muuqdo Carwada Buugaagta Frankfurt Axadii si uu uga qeyb galo xaflad abaalmarin lagu gudoonsiinayay, laakiin qorshahaasi ayaa hada la joojiyay.

Somaliska Germalka

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here