Home Wararka Caalamka Germalka oo Turkiga uga digay daandaasiga bada bariga Mediterranean

Germalka oo Turkiga uga digay daandaasiga bada bariga Mediterranean

0
Photo Anadolu Agency

Wasiirka Arimaha Dibada Jarmalka Heiko Maas ayaa shalay ugu baaqay Turkiga inay ka waantoobaan daandaansiga cusub ee ka socda Bariga Mediterranean.

“Haddii howlaha cusub ee sahaminta Turkiga ee gaaska ay si dhab ah uga dhacaan aagagga badda ee lagu muransan yahay ee bariga Mediterranean, tani waxay dhabar jab weyn ku tahay dadaallada socday,” Maas, oo shalay booqday Giriig iyo Qubrus, ayaa lagu yiri hadal uu soo saaray. “Ankara waa inay joojisaa  daandaansiga hadii ay dooneyso wadahadalada – sida ay dhowr jeer ku celisay.”

Horaantii Isniinta, Turkiga ayaa dib u soo celiyay mowjado cusub oo xiisad ah kadib markii ay  ku dhawaaqeen in markabkeeda Oruc Reis uu ku laaban doono isla aagga lagu muransan yahay ee gobolka bariga Mediterranean si uu u sii wado qodista gaaska.

Bishii Ogosto iyo Sebtember markabku wuxuu sababay xiisad diblomaasiyadeed iyo mid milatari oo aad u daran wuxuuna horseeday xifaaltan dhanka bada oo lagu tartamayo si loo raadiyo saliid iyo gaas ku jira badda dhexdeeda.

Hadalkiisa, wasiirka arrimaha dibedda Jarmalka wuxuu ku sheegay in waddankiisu uu garab taagan yahay Giriigga iyo Qubrus oo ay xubno ka yihiin Midowga Yurub wuxuuna ku boorriyay Turkiga in ay hubiyaan in wadahadalka lala yeelanayo Athens aan lagu carqaladeynin “tallaabooyinka hal dhinac”.

Ankara ayaa markii ugu horeysay gaysay   markabka Oruc Reis iyo markab dagaal oo kale biyaha lagu muransanyahay 10 Agoosto waxayna howlgalka ka sameesay halkaasi, iyadoo iska indha tirtay baaqyada isdaba jooga ah ee lagu joojinayo xiisada.

Turkiga iyo Griiga ayaa isku khilaafsan sheegashooyinka is dul saaran ee kheyraadka hydrocarbon ee badda Mediterranean. Giriiggu wuxuu sheeganayaa xuquuqda biyaha ku xeeran Kastellorizo ​​laakiin Turkigu wuu diiday arrintaas, wuxuuna ku adkeysanayaa inuu leeyahay sheegashooyin badan Bariga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here