Home Wararka Caalamka Faransiiska oo Dalkiisa ka saaraya 231 Qof oo Ajaanib ah

Faransiiska oo Dalkiisa ka saaraya 231 Qof oo Ajaanib ah

0

Faransiiska ayaa isku diyaarinaya in uu daliisa ka saaro 231 ajaanib ah oo ku jira liiska dawladeed ee looga shakisan yahay caqiidooyinka diimeed ee xagjirnimada ah.

idaacadda Europe 1 ayaa werisay Axaddii shalay laba maalmood ka dib markii Islaami u dhashay Ruushka uu madaxa ka jaray macallin.

Wasaaradda arrimaha gudaha Faransiiska oo mas’uul ka ahayd cayrinta ajaanibta ayaan la helin fursad ay kaga hadasho.

Dowlada dhexe ee madaxweyne Emmanuel Macron ayaa cadaadis kala kulmeysay xisbiyada muxaafidka iyo midigta fog inay mowqif adag ka istaagto dadka aan u dhalan wadanka ee loo arko inay qatar ku yihiin amaanka.

Macron ayaa durba dareemay dhibaatada uga timid Hadalka uu dhawaan ka jeediyay diinta islaamka.

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here