Home Wararka Denmark Denmark:- 418 Qof oo laga helay Xanuunka Coronavirus 48 saac ee lasoo...

Denmark:- 418 Qof oo laga helay Xanuunka Coronavirus 48 saac ee lasoo dhaafay

0
Henning Bagger © Scanpix)

24-kii saac ee la soo dhaafay , hey’adaha caafimaadka Denmark waxay diiwaangalisay 418 kiis oo cusub oo infekshanka corona sida lagu sheegay bayaankii ugu dambeeyay ee ka soo baxay machadka ‘Statens Serum Institut’.

Tirada bukaan jiifka ayaa korortay 6 ilaa 110 tirada caadiga 16 waxay kujiraan qeybaha daryeelka degdega ah halka 11 kamid ah ay kujiraan xaalad ay ubaahanyihiin qalabka neefsashada.

Laga soo bilaabo dhammaadkii Sebtember, tirada bukaan-jiifka way kala duwanaayeen 100 iyo 124, markii ay ugu sarraysay.

Dhinaca kale, wax dhimasho ah looma diiwaangelin dadka qaba coronavirus, tanina waxay ka dhigan tahay in tirada guud ay weli 677 qof ku dhinteen Danmark.

34,831 baadhitaan ayaa la sameeyay, sidaas awgeed maamulka caafimaadku waxay sameeyeen wax ka badan 4.5 milyan oo baadhitaan tan iyo intii uu virusku ku dhacay Danmark.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here