Home Wararka Maanta Baaritaan lagu ogaaday in Waalidiinta ay diidaan Caawinta Caruurtooda gala Dambiyada

Baaritaan lagu ogaaday in Waalidiinta ay diidaan Caawinta Caruurtooda gala Dambiyada

0
Photo: ANDREAS HILLERGREN / TT

Baadhitaan uu maanta daabacay Aftonbladet ayaa iftiiminaya arrinta dhalinyarada aan qaan gaarin ee ka qayb gala dambiyada ka dhaca Stockholm. Waxay ahayd baaritaan
qarsoodi ah uu sameeyay booliiska oo ku saabsan 676 oo qof oo lala xiriirinayo shabakadaha dambiyada geesta.

dembiyada ka dhaca Stockholm, ayaa muujinaya in 36 dhalinyaro aan qaan gaarin kana hoose  da’da 17 sano jirka ay kamid yihiin kooxahan kan ugu yarna uu jiro 13 – sano .

Sida laga soo xigtay baaritaanka Aftonbladet , 22 ka mid ah caruurta aan qaan gaarin ayaa lagu xukumay inay galeen dambiyo, 19 ka mid ah dadka la xukumayna waxaa lala xiriiray
qoysaskooda iyagoo aad u da ‘yar ka hor dambiga, laakiin waalidiinta ayaa inta badan diidi “jiray inay bixiyaan caawimaad iskaa wax u qabso ah.

Martin Lazar oo ka tirsan Booliska Minishiibiyada ee Bucherka ayaa sheegay in bulshada “ku fashilantay” wax ka qabashada arimahan.

Adeegga bulshada ayaa bilaabay inay baaraan arrinta kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya xatooyada dukaanka iyo dambi culus. Arrinta ayaa dhammaato iyada oo aan
.taageero la siinin ilmaha maxaa yeelay qoysku gabi ahaanba way diidaan

Intaas ka dib, booliisku wuxuu ka walaacsanaa xiriirka dhow ee caruurta la leeyihiin dambiilayaasha.

Joornaalka ayaa soo bandhigay wiil 11 sano jirkiisa ku jiray dhibaatooyinkan kaasi oo aanan la caawin booliska ayaana xiligaasi sheegay in cunugan uu ku jiro damibyo culus inkastoo taasi aan laga dhageysan.

Markuu wiilkan ahaa 15 jir, wuxuu ku lug lahaa mid ka mid ah burcadda ugu rabshadaha badan Stockholm. Burcaddana waxay u adeegsadeen inay dambiyo galaan. Waxaa loo xiray
dambi culus oo daroogo iyo  Booliska ayaa sheegay in wiilka noloshiisa ay qatar ku jirtay. Waxaa lagu xukumay dhacdooyin uu ka danbeeyay

Adeegga Bulshada ayaa bilaabay baaritaanno cusub oo ku saabsan xaaladda ilmaha iyaga oo aan wax tallaabo ah qaadin, maadaama qoyskiisa ay sheegeen in ay ka go’an tahay oo ay
masuul ka yihiin bey’ad nabadgelyo leh, ayna diideen in ay helaan taageero madama adeega bulshada uusan qasab ku faro galin karin sida sharciga qabo.

Wiilkan ayaa kamid ah 36 caruur ah oo aan qaan gaarin oo ay xogwaraysteen booliska qarsoodiga ah, kan uguyarna waa 13 jir. Badanaa waxaa loo arkaa inay yihiin wiilal door yar ka
qaata nolosha kooxaha gaangiska, laakiin runtu waxay tahay in damibyo waaweyn ku jiraan.

Baaritaanka wargeysku wuxuu muujiyey in 22 ka mid ah lagu xukumay inay galeen dambiyo, ay ka mid yihiin sida afduubka, weerarada culus, dambiyada daroogada ee
daran iyo xatooyo daran. Sagaal iyo toban ka mid ah 22-ka qof ee la xukumay ayaa xiriir la sameeyay adeegga bulshada, laakiin baaritaannada adeegga bulshada ayaa inta badan la
dhammaystiraa iyada oo aan wax tallaabo ah laga qaadin, taas oo ay ugu wacan tahay diidmada dhallinyarada ama qoyska ee daryeelka iskaa wax u qabso ah.

Sarkaalkan ka tirsan booliiska Martin Lazar ayaa sharraxaad ka bixiyay sida ay burcadda u askareynayaan carruurta, isagoo yiri, “Waxay go’aamiyaan cidda la qori karo waxayna isku dayaan inay si dhakhso leh u dhisaan xiriir iyagoo daryeelaya ilmaha.” Waxay iibsadaan daacadnimadiisa iyaga oo aan bixin lacag badan, laakiin waxay siiyaan lacag kaash ah si ay ugu iibsadaan cuntada iyo
cabitaannada fudud, ka dibna ay ugu xilsaaraan hawlo fudud sida kormeerka keydinta hubka iyo daroogada.

Intaa ka dib, caruurtani fursad uma lahan inay ka baxaan.

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here