Home Wararka Caalamka Armenia oo Gantaalo ku garaacday Caasimada Labaad ee ugu weyn Azerbaijan 40...

Armenia oo Gantaalo ku garaacday Caasimada Labaad ee ugu weyn Azerbaijan 40 dhaawac ah

0

Maamulka Azerbaijan ayaa sheegay in weerar gantaal oo lagu qaaday magaalada Ganja ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof 40 kalena ay ku dhaawacmeen saacadihii hore ee Sabtida.

Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa sheegtay in magaalooyinka Ganja iyo Mingachevir lagu garaacay gantaallo laga soo ganay laba goobood oo kala duwan oo ku yaal Armenia.

Mas’uuliyiinta Armenia ma aysan diidin mana aqbalin mas’uuliyadda weerarada lagu qaaday labada magaalo.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo rasmi ah oo ku sugan Azerbaijan, weerarkii gantaalaha ee Sabtidii ayaa burburiyey ugu yaraan 20 dhismeyaal la deggan yahay oo ku yaal Ganja, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka.

Dagaallada socda ee u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia ayaa qarxay 27-kii Sebtember, waxaana ku dhintay boqolaal qof, taasoo calaamad u ah tii ugu ballaarneyd ee colaadda tobannaan sano jirsatay ee ku saabsan gobolka ka go’ay ee Nagorno-Karabakh tan iyo xabad joojintii 1994-tii.

Dhulka ay ku badan yihiin qowmiyadaha Armenia ayaa ku dhawaaqay inuu ka xoroobay Azerbaijan sanadkii 1991 xilligii uu burburay Midowgii Soofiyeeti, dagaalkaas oo galaaftay nolosha dad gaaraya 30,000 oo qof kahor xabad joojintii 1994. Si kastaba ha noqotee, madax-bannaanidaas ma ahan mid caalami ah oo la aqoonsan yahay.

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here