Home Wararka Caalamka Armenia iyo Azerbaijan oo ku heshiiyay xabad joojin cusub oo Nagorno-Karabakh ah

Armenia iyo Azerbaijan oo ku heshiiyay xabad joojin cusub oo Nagorno-Karabakh ah

0

Armenia iyo Azerbaijan ayaa sheegay in ay isku raaceen Sabtidii shalay xabad-joojin cusub oo bina-aadamnimo laga bilaabo saqbadhkii (2000 GMT) dagaalka ka socda Azerbaijan ee qowmiyadaha Armenia ay maamusho ee Nagorno-Karabakh.

Labada dhinacba mar hore ayey isku eedeeyeen weeraro hor leh oo xadgudub ku ah heshiis xabad joojin toddobaad ah oo Ruushku wado oo ku guuldareystay inuu joojiyo dagaalladii ugu xumaa ee Koonfurta Caucasus tan iyo 1990-yadii.

Azerbaijan ayaa sheegtay in 13 qof oo rayid ah lagu dilay in ka badan 50 kalena lagu dhaawacay magaalada Ganja gantaallo ka yimid Nagorno-Karabakh. Armenia, waxay taageertaa Nagorno-Karabakh siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba waxayna u dirtaa mutadawiciin si ay ugu adeegaan ciidankeeda, waxay ku eedeeysay Azerbaijan inay duqeynayso goobaha ay ku badan yihiin dadka shacabka ah iyo bartilmaameedka duqeymaha ee Armenia.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu xumaa ee ka dhaca gobolka tan iyo markii Azerbaijan iyo xoogaga qowmiyadaha Armenia ay dagaal u galeen 1990-meeyadii Nagorno-Karabakh, oo caalamku u aqoonsan yahay inuu ka mid yahay Azerbaijan laakiin ay ku nool yihiin ayna xukumaan qowmiyadaha Armenia.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Armenia iyo Azeri sabtidii wuxuuna carabka ku adkeeyay in heshiiskii uu dhex dhexaadinayay todobaad ka hor ay tahay in la ilaaliyo, Moscow ayaa sidaas tidhi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here