Home Wararka Caalamka Wararkii ugu danbeeyay Doorashada Mareykanka oo bilaabaneysa iyo wal-wal laga qabto doorashada

Wararkii ugu danbeeyay Doorashada Mareykanka oo bilaabaneysa iyo wal-wal laga qabto doorashada

0

yaa ku guuleysanaya Doorashada Mareykanka ma Donald Trump oo ka socda Jamhuuriga? Mise Joe Biden oo ka socda Dimuqraadiga?

Hadda ma ahan waqti dheer ilaa aan ogaanno cidda noqon doonta
madaxweynaha Mareykanka. madama Nofeembar ay tahay xiliga  doorashada.

In kabadan 80 milyan oo Mareykan ah ayaa horey u codeeyay.
Taasi waa diiwaan la sameeyay. Khubarada ayaa sheegaya
in uu guuleysan karo Joe Biden.

Donald Trump ma jecla dadka inay horay u sii codeeyaan.
Wuxuu yidhi waxaa laga yaabaa in khiyaano lagu sameeyo codadka hore loo dhiibtay. Laakiin ma jiraan khuburo
ku raacsan fakarkiisa.

Mareykanku kaliya uma codeeyaan madaxweyne. Waxay sidoo kale u codeeyaan siyaasiyiinta Koongaraska Mareykanka, Waxay leedahay laba qaybood,
Golaha Wakiilada iyo Guurtida.

Qaar baa ka walwalsan doorashada. Waxay ka walwalayaan inay dhibaato dhacdo madama dhibaato weyn uu ka dhashay xanuunka Coronavirus.

Dad badan ayaa sidoo kale ka careysan rabshadaha ay booliska ku hayaan dadka madow. Waxaa dhacday mudaharaadyo badan oo ku saabsan dilalkaasi.

Dalka Mareykanka, waxaa loo oggol yahay in hub laga iibsado.
Shirkadda weyn ee Walmart waxay dhowr kun oo dukaan ku leedahay dalka Mareykanka. Dhowr ka mid ah dukaamada ayaa hadda hubka kala saaraya baqaarada doorashada ka hor.

Waxay ka walwalsan yihiin in dadku ka xanaaqqaan natiijada doorashada kadib. Laakiin dadku wali way
iibsan karaan hubka haddii ay codsadaan.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here