Home Wararka Caalamka Wasiirada Arimaha Dibada ee Belgian iyo Austrian oo laga helay Corona

Wasiirada Arimaha Dibada ee Belgian iyo Austrian oo laga helay Corona

0

Wasiirka Arimaha Dibada ee Austria Alexander Schallenberg iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Belguim Sophie Wilmes ayaa labaduba laga helay COVID-19, waxay si gooni gooni ah ugu dhawaaqeen Sabtida.

Schallenberg iyo Wilmes labaduba waxay kaqeybgaleen shirkii wasiirada arimaha dibada ee midowga yurub ee ka dhacay Luxembourg Isniintii lasoo dhaafay.

Gabadha reer Belgium ee Wilmes waxay ku dhawaaqday tijaabadeedii wanaagsanayd qoraal ay soo dhigtay barta Twitter-ka.

“Natiijadayda baaritaanka COVID waa mid wanaagsan. dhibka ama faafitaanka ayaa laga yaabaa inuu ka dhacay gudaha qoyskeyga marka loo eego banaanka gurigeyga ama qoyskeyga,” ayay qortay.

Sikastaba, afhayeen u hadlay Schallenberg oo ka tirsan Austria ayaa sheegay in laga yaabo in uu cudurka uu kaga yimid shirkii EU-da, faallo uu siiyay wakaaladda wararka Austria ee APA. Dhamaan golaha wasiirada ee Austria tan iyo markaas waxaa laga baaray xanuunka.

Turjumay Somaliska.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here