Home Wararka Caalamka Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay Gaas kale oo dheeraad ah oo laga...

Madaxweyne Erdogan oo ku dhawaaqay Gaas kale oo dheeraad ah oo laga helay Bada Madow

0

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa Sabtidii sheegay in Turkiga uu ka helay badda Madow 85 bilyan oo mitir kuyuub oo gaas dabiici ah.

Raadinta cusub waxay keeneysaa wadarta keydka aagga Sakarya Gas Field ilaa 405 bilyan oo mitir cubic, ka dib markii lagu dhawaaqay 320 bilyan oo mitir kuyuubik bishii Ogosto, tallaabadaas oo ay ku amaantay dowladda Turkiga inay tahay wax beddela ciyaarta.

Kaydadka aan ka helnay Badda Madow waa khayraadka ugu badan ee waddankeenna illaa hadda, ”ayuu yiri Erdoğan.

Laakiin khubarada ayaa shaki galiyay faa’iidooyinka ka iman kara gaaska badda madow ee Turkiga, oo ay sheegeen inay yar yahiin oo ay adag tahay in la helo.

Ku dhawaaqista ayaa imaaneysa iyadoo Turkiga ay wajihi doonto Giriiga arimo gaas dabiici ah uu ka helayo bariga Mediterranean, isla markana war wanaagsan u ah dowlada Turkiga

Turkiga wuxuu aad ugu tiirsan yahay soo dejinta tamarta, taasoo culeys weyn saareysa dhaqaalaha.

Waqtigaan la joogo, ku dhowaad 38 boqolkiiba baahida tamarta ee dalka waxaa laga soo qaadaa Ruushka.   

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here