Home News in English Stefan Löfven ” Waa in uu helaa Deganaansho Rasmi ah Qofka Sharciga...

Stefan Löfven ” Waa in uu helaa Deganaansho Rasmi ah Qofka Sharciga ku meel gaarka heestay mudo Sadax sano”

0

Raisal wasaaraha Dalka Sweden oo ka hadlayay Heshiiska ay gaareen xisbigiisa iyo Xisbiga Miljöpartiet ayaa ka hadlay sida uu u arko heshiiska labada dhinac isagoo soo hadal qaaday Heshiiska labada dhinac iyo guulaha laga gaarayo hadii uu dhaqan galo Bisha July ee sanadka danbe oo uu ku egyahay midka ku meel gaarka.

Stefan löfven oo bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal ayaa sheegay in loo baahan yahay Qof kasta in uu heesto Sharciga rasmiga ee Dalka marka uu dhameesto midka sadaxda sano ee uu heesto iyadoo meesha laga saarayo sharuudaha badan ee lagu helayo midka rasmiga laguna soo koobayo ilaa labo sharuud oo kaliya.

Sharuudaha ayaa ah in Qofka nolol ahaan isku filnaado oo uu shaqeysto iyo in uu ku hadli karo Luuqada Dalka si bulshada u dhax galo.

Maanta Sharuudahaasi waxaa ku jira in Qofka uu heesto guri gacan 1 aad ah ama gacan labaad ah taasi oo ku adag tahay qof walbo.

Raisal wasaaraha waxa uu ku celiyay marka uu dhamaado Sharciga hada jira in aan dib loogu laabandoonin Xaaladii 2015.

Waxa uu intaasi ku daray in dadka qaar Sababo bini’aadanimo ama Xanuuno gaar u ah loo sion karo Sharciga Dalka.

Ugu danneyn ayuu sheegay in labada Xisbi ay isku afgarteen soo jeedinta gudiga ee arimaha soogalootiga iyadoo wax laga badalayo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here