Home Wararka Maanta Ulf Kristersson ” Xil wasiir ma siineyno Xisbiga Sverigedemokraterna hadii aan Dowlad...

Ulf Kristersson ” Xil wasiir ma siineyno Xisbiga Sverigedemokraterna hadii aan Dowlad soo dhiseyno

0

Ulf Kristersson, hogaamiyaha xisbiga Moderaterna ayaa sheegay in aysan xil wasiirnimo siineynin Jimmie Åkesson iyo xisbigiisa Sverigedemokraterna mustaqbalka hadii ay dowlad soo dhisayaan.

Photo: Jessica Gow / TT

Wuxuu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay laanta wararka Ekot wareysiga oo lala yeeshay maanta oo sabti ah

– Maya, aniga ima khusayso. Waxaan aadi doonaa goobaha codbixinta si aan dowlad ula soo dhiso xisbiga Christian Democrats.

Jimmie Åkesson Hogaamiyaha Xisbiga Sverigedemokraterna oo wareysi bixinayay dhankiisa ayaa sheegay in jagada wasiirka cadaalada iyo tamarta ee dowlada mustaqbalka ee xisbiyada Moderaterna iyo Christian Democrats loo magacaabayo xisbigooda.

Laanta wararka Ekot ayaa intaasi kadib la xiriirtay oo wareysi ka qaaday Ulf Kristersson (M) waxana uu sheegay inuusan dooneynin inuu xisbiga Sverigedemokraterna dowlad lasoo dhiso.

”siyaasad ahaan ayaanan ku kala duwan nahay tusaale arimaha dhaqaalaha midowga yurub taasi oo xisbiga SD uu kasoo horjeedo guud ahaan ” ayuu yiri Ulf Kristersson

Ebba Busch oo ka tirsan xisbiga KD ayaa sidoo kale fariin qoraal ah oo ay u dirtay Ekot ku sheegtay in ay diyaar u yihiin goobaha codbixinta si ay u wada dhisaan dowlad iyaga iyo Moderaterna ah.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho/radiosverige qeybta afka-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here