Home Wararka Maanta Sweden oo soo bandhigtay Lacag loogu tala galay Daryeelka Caruurta ku nool...

Sweden oo soo bandhigtay Lacag loogu tala galay Daryeelka Caruurta ku nool Xaafadaha danyarta

0

Caruurta dambiilayaasha waa in ay daryeel ka helaan adeega bulshada si dambiga maanta jira uusan uga badnaa kan bari Sidan waxaa yiri hogaamiyaha xisbiga Liberalka Nyamko Sabuni, oo ku guuleystey wadar ahaan sadex bilyan sadex sano gudahood wadahadalada miisaaniyada ee xisbiyada dowlada iyo Centerpartiet.

”Waxaan u maleynayaa inay jiraan laba arimood si aan uga hortagno falalka noocan ah. Mid waa maalgelin, lacag. Bulshadeena samafalka,  Midda labaad waa carruurta oo laga raro qoysaska iyo goobaha ay dhibka kala kulmaan. Sababtoo ah haddii kale carruurtani waxay sii wadi doonaan inay dhaxlaan fal-dambiyeedka, markaa kuwani waa labada shay ee aan u maleynayo inaan isbeddel ku sameyn karno”

Liberalerna ayaa ku guuleystay miisaaniyad saddex bilyan saddex sano gudahood. 700 milyan oo ka mid ahi waxaa loogu tala galay daryeelka carruurta ku nool aagagga dambiyada ka dhacaan. Degmooyinku waa inay awoodaan inay ka codsadaan gobolka lacag si loogu bixiyo daryeelka caruurta

– Sida loo sameyn doono ayaa ah baaritaan la sameenayo sida ay sheegtay Nyamko Sabuni.

Sidee tan loo qaabeeyaa loona adeegsadaa qabaa’ilkaas?

– BRÃ… ayaa loo xilsaaray inay sameyso sahan iyo baaritaan ku saabsan sida wax looga qaban karo arimahan taasi oo dib ula wadaageysa dowlada baaritaankooda”

Liberalerna ayaa sidoo kale, waxay ka hadlleen waxqabadka xagga luqadda ah oo loogu talagalay carruurta dugsiga barbaarinta iyo tababarka luqadda ee shaqaalaha daryeelka waayeelka ah.

Xaafadaha danyarta ayaa sidoo kale xafiisyo dawladeed oo aad u tiro badan ka furaya goobahan kuwaasi oo xiriir la yeelan doona xafiiska shaqada, xafiiska caymiska bulshada iyo wakaaladda cashuuraha isla goobtaas.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray/ Turjumay Somaliska

Xigasho/radiosverige qeybta Afka-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here