Home News in English Sweden oo mushaharka u kordhisay Shaqaalaha u shaqeeya Dadka Caawinta u baahan...

Sweden oo mushaharka u kordhisay Shaqaalaha u shaqeeya Dadka Caawinta u baahan ee (personlig assistent)

0

Gunnada caadiga ah ee kaaliyeyaasha shaqsiyadeed (personlig assistent) ayaa loo kordhiyay Shaqaalahaasi mudo dhoor sano oo shaqooyinka kale ka danbeeyeen mushahara ahaan.

Photo: Gorm Kallestad/TT.

Laakiin miisaaniyadda gobolka ee 2021 waxaa ku kordhay 3.5 boqolkiiba. Xisbiyada ayaa bisha january arintaas isku raacay, sida ay sheegtay hogaamiyaha xisbiga Liberalka Nyamko Sabuni.

– Sannado badan, kalkaaliyayaashu si dhib yar ayey u helayeen mushahar kordhin yar marka la eego kororka mushaharka ee suuqa. Sidaas awgeed, waa kor u kac gaar ah, ayay tidhi.

Qof kasta oo xaq u leh in lagu caawiyo sida uu dhigayo Sharciga Taageerada iyo Adeegga Dadka Naafada ah qaarkood, LSS, ayaa dooran kara kaaliyaha uu doonayo inuu shaqaalaysiiyo oo uu lacagtaas ku hago. Maanta, in ka badan boqolkiiba 70 kaaliyeyaasha waxaa u shaqeeya shirkado gaar loo leeyahay ama iskaashatooyin. Inta soo hartay waa shaqaalaha dowladda hoose.

Cecilia Blanck waa maareeyaha howlaha ee Riksföreningen iskaashi la leh ku dhowaad 4000 oo shaqaalayaal waxay sheegtay in ay soo dhaweenayaan kordhinta

– Kordhinta la sameenin sanadihii la soo dhaafay waxay u dhigantaa ugu badnaan 20 karoon, sidaa darteed tani waa isbeddel aad u wanaagsan. ayay tiri.

Kordhinta sanadka soo socda ka dib, heerka saacada wuxuu gaarayaa 315 karoon saacaddii. Markaa waa inay sidoo kale daboosho kaalmada sooshalka, kharashyada maamulka iyo kharashaadka safarka. Ma jiri doonto wax lacag ah oo ka harta, tusaale ahaan, waxbarashada, ayay tiri Cecilia Blanck.

Nyamko Sabuni ayaa ballanqaaday inay ugu yaraan isku dayi doono inay ka hortagto dib-u-dhac cusub oo kaalmooyinka gargaarka ah ee mustaqbalka.

Himiladayada sanadaha soo socda waa in aan sii wadno sidii aan heerkan sare ugu sii wadan lahayn, ayay tiri.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigahso/radiosverige qeybta Afka-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here