Home Wararka Maanta Sweden oo 20 Billion Kr u qoondeesay Caafimaadka iyo Daryeelka Waayeelka

Sweden oo 20 Billion Kr u qoondeesay Caafimaadka iyo Daryeelka Waayeelka

0

Shir jaraa’id oo maanta qabatay Dowlada ayaa lagu shaaciyay Lacag gaareysa 20 billion oo Dowlada ku maamgalineyso Caafimaadka iyo Daryeelka goobaha waayeelka Lacagtaasi iyo Maalgalinta oo Dowlada ku tilmaamtay mid taariikhi ah oo lagu hormarinayo Daryeelka Caafimaadka sanadka 2021.

Lacagtaasi ayaa loo isticmaalidoonaa Mushahar la siinayo 10,000 kun oo Kalkaaliso kuwaasi oo Saacadaha Shaqada barandoono Xirfadooda iyagoo Dowlada ka helaya Mushaharkooda.

Degmooyinka iyo Gobolada Dalka ayaa loo qoondeeyay Lacago gaar ah taasi oo tirada guud ka dhigeysa 20 billion sanadka 2021.

”Waa Dhaqaalihii ugu weynaa ee abid lagu sameeyo daryeelka waayeelka Sweden, ayuu yidhi Stefan Löfven.

Photo: Pontus Lundahl/TT

Dowladda iyo xisbiyada waxay ku heshiiyeen lacag kabis joogto ah oo afar bilyan sanadkii lagu daro daryeelka waayeelka. Sidaas waxaa yiri raisul wasaare Stefan Löfven (S) iyo hogaamiyaha xisbiga Centerparti Annie Lööf oo si wada jir ah shir jaraa’id u qabtay.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here