Home Wararka Caalamka Qaxooti Maalintii Afaraad Seexanaya banaanka jasiiradda Giriigga ee Lesbos oo dab burburiyay

Qaxooti Maalintii Afaraad Seexanaya banaanka jasiiradda Giriigga ee Lesbos oo dab burburiyay

0

Kumanaan kun oo magangalyo doon ah ayaa habeenkii afaraad seexday banaanka jasiiradda Giriigga ee Lesbos, ka dib markii dabab is xigxigay ay burburiyeen xero qaxooti oo lagu magacaabo Moria.

Photo: Petros Giannakouris, AP

Saraakiisha ayaa sheegay in dabka habeenkii talaadada iyo Arbacada ay si ula kac ah u shideen qaar ka mid ah dadka ku nool kaamka iyagoo ka careysnaa karantiil iyo amar go’doomin ah oo lagu soo rogay ka dib markii 35 qof oo ku jira xerada Moria laga helay cudurka COVID-19.

Iyada oo xerada dhexdeeda ay gubatay, hadana subaxnimadii Sabtida waxaa Qaxootiga ay seexdeen teendhooyin macmal ah. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay mudaaharaad ay ku dalbanayeen in loo oggolaado inay ka baxaan jasiiradda.

Badanaa carruurta iyo haweenku waxay istaageen afaafka hore ee banaanbaxa iyadoo mudaharaadku si nabad ah ku bilawday sida booliiska rabshadaha ka hortaga ay arkeen. Kaqeybgalayaashu waxay wateen boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhigyo ku qoran qaybo ka mid ah kartoonada ama go’yaasha.

“Waxaan u baahanahay nabad & xorriyad. Moria waxay niyad jabisay nolosheena, ”ayaa lagu qoray.

Somaliska Athens

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here