Home Wararka Caalamka Germalka oo ku dhawaaqay tirada Qaxooti Cusub oo Giriiga kasoo qaadanayo

Germalka oo ku dhawaaqay tirada Qaxooti Cusub oo Giriiga kasoo qaadanayo

0

Jarmalka ayaa qorsheynaya inuu qaabilo ku dhowaad 1,500 oo muhaajiriin ah oo ka kala yimid xeryo kala duwan oo ku yaal jasiiradaha Giriigga ka dib dabkii weynaa ee ka kacay xerada Moria ee jasiiradda Lesbos, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan dowladda.

In ka badan 12,000 oo qof oo u badan magangalyo doon ka kala yimid Afghanistan, Africa iyo Syria ayaa hoy la’aan noqday kadib dabkii ka kacay xerada buux dhaafka ah ee usbuucii la soo dhaafay gubatay.

Photo Le Michele Tantussi / AP / TT

Go’aanka Jarmalka ayaa la sheegay in la qaatay kadib heshiis dhexmaray Chancellor Angela Merkel iyo wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer oo qaabila muhaajiriinta la ogaaday inay heystaan ​​sharci qaxooti.

Marka laga soo tago 1,500 oo qaxooti ah, Jarmalka wuxuu sheegay inuu diyaar u yahay inuu 150 carruur ah ka helo Moria.

Dalka Faransiiska ayaa dhankiisa Sheegay Qaxooti uu kasoo qaadanayo Dalka Giriiga gaar ahaan Caruurta aanan waalidkooda la socon.

Somaliska Berlin

Turjumay Somaliska

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here