Home News in English Germalka Hooyo dishay Shan Caruur ah oo ay dhashay Booliska oo qabtay...

Germalka Hooyo dishay Shan Caruur ah oo ay dhashay Booliska oo qabtay goor dhow

0

Shan carruur ah ayaa meydadkooda laga helay guri ku yaal galbeedka Jarmalka goor dhow booliska ayaa u sheegay, warbaahinta maxalliga ah in caruurta ay hooyadeed dishay kadibna ay ayada is dili rabtay kadib markii tareen iska tuurtay

Caruurtan ayaa laga helay guri ku yaal magaalada Solingen ee gobolka North Rhine-Westphalia, booliska ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP dilka caruurta iyagoo ka bixin wax war dheeraad ah

Waxay ahaayeen hal sano jir, labo sano jir, saddex sano jir , lix sano jir iyo siddeed sano jir, sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargayska Bild daily.

Hooyadan ayaa markii dambe isku tuurtay tareen hortiisa laakiin way ka badbaaday shilkaasi waxana soo gaaray oo kaliya dhaawacyo halis ah.

Sida uu qoray wargayska Bild, ayeeyada caruurtan ayaa wacday booliska waxayna ku wargalisay in gabadheeda oo 27 jir ah ay dishay shan ka mid ah caruurteeda ayna suura gal tahay inay baxsad la tahay cunug kale iyada oo ujeedkeedu ahaa inay is disho.

Wiilka oo 11 sano jir ah ayaa markii dambe la helay isagoo aan wax dhaawac ah gaarin, sida ay sheegtay ayeeyada.

Photo/Reuters

wakaaladda wararka qaranka ee DPA, oo soo xiganeysa adeegyada gurmadka caafimaadka Germalka ayaa intaasi ku dartay in Hooyada hada lagu dabiibayo goob caafimaad.

Somaliska Germalka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here