Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo lacagta Kaalmada ka dhimeysa Ajaanibta aanan baran Luuqada (da’dooda...

Dowlada Norway oo lacagta Kaalmada ka dhimeysa Ajaanibta aanan baran Luuqada (da’dooda oo lasoo bandhigay)

0

Muddo yar gudahood, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Torbjørn Røe Isaksen (H) iyo dawladda ayaa doonaya soo galootiga da’doodu ka yar tahay 30 sano ee hela kaalmada bulshada. Haddayna rabin inay kaqaybqaataan tababarka af-noorweyjiga, laga yareeyo kaalmada bulshada.

Photo: Cornelius Poppe / NTB scanpix

Røe Isaksen ayaa sabab taasi ugu dhigaya madama soo galootiga ay ku badan yihiin tirakoobka kaalmada bulshada.

”Afka Norwejiga waa tikidka lagu galo shaqada. Xirfadaha noorwiijiga la’aantu waxay kuu sababi kartaa inaad la kulanto albaaboxiran.

Wuxu sheegay in soo galootiga oo dhami aysan si fiican ugu baran af noorwiijiga nidaamka hordhaca.

”Haddii aqoonta luuqada ay sabab u tahay inay kugu adkaato inaad shaqo hesho, waxaan hadda ka dhigi doonnaa tababarka luqadda norwejiga qayb ka mid ah waajibaadka saaran dadka ka yar 30 sano. Waxay sidoo kale wanaajin doontaa isdhexgalka isla markaana qalabayn doonta dad badan oo shaqo u baahan

Røe Isaksen ayaa sheegay in soo jeedinta wax ka badalka sharciga sooshalka ay waajib ku tahay dawladaha hoose. Waa inay dalbadaan dadka qaata kaalmada bulshada ee aan si fiican u aqoon noorwiijiga inay ka soo qayb galaan koorsooyin. Haddii kale, kaalmada bulshada waa in la dhimo.

Isbeddelku wuxuu marka hore khuseeyaa dadka qaata dheefaha ee kayar da’da 30 jir haddii ay horeyba u dabooleen waajibaad hawleed . Waxay ka dhigan tahay in dadka qaata kaalmada bulshada ay waajib ku tahay inay ka qeybgalaan howlaha la xiriira shaqada sida luuqada.

Dad badan oo ku nool Norway ayaanan luuqada a aqoonin waxayna aadaan goobo loo diro si ay u helaan lacagta kaalmada ee loo yaqaan Ceerta sharcigan ayaana ku noqonaya mid adag madama lagu xiray lacagta ay nolol ahaan u helaan.

Somaliska Oslo

Turjumay Somaliska Xigasho/Aftenposten

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here