Home Wararka Caalamka Dowlada Cumaan oo soo dhaweysay Heshiiska Israa’iil iyo Baxreyn

Dowlada Cumaan oo soo dhaweysay Heshiiska Israa’iil iyo Baxreyn

0

Dowlada Cumaan ayaa soo dhoweysay go’aanka Baxreyn ee ah in ay xiriir caadi ah la yeelato Israa’iil, TV-ga dowladda Cumaan ayaa sheegay sidaasi maanta.

Saldanadu waxay soo dhaweynaysaa hindisaha ay qaadatay boqortooyada walaalaha ah ee Bahrain, ”kanaalka dowlada ayaa sidaasi ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Dowladda ayaa intaas ku dartay inay rajeyneyso in “waddadan istiraatiijiyadeed ee cusub ee ay qaateen qaar ka mid ah waddamada Carabtu ay gacan ka geysan doonto sidii loo heli lahaa nabad ku saleysan joojinta qabsashada Israel ee dhulka Falastiin iyo in la dhiso dowlad Falastiin oo madaxbanaan oo Bariga Qudus caasimad u tahay,

Dowladaha Carabta ayaa wada qorshe ay heshiis kula galayaan wadanka Israel oo mudo dheer xiriir kala dhaxeenin waxana durba heshiiska gaaray imaaraadka iyo Baxreyn oo ku dhawaaqay heshiiskaasi.

Sacuudiga ayaa dhankiisa laga cabsi qabaa in Xeshiiska ay ku biireen inkastoo dowlada Sacuudiga ay ka gaabsaneyso madama xiriir hoose uu kala dhaxeeyo israel.

Somaliska Austria

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here