Home Wararka Caalamka Dowlada Austria oo war kasoo saartay Qaxootiga ku xaniban Magaalada Lesbos ee...

Dowlada Austria oo war kasoo saartay Qaxootiga ku xaniban Magaalada Lesbos ee Giriiga

0

Labada guddi ee midowga yurub ee jooga Brussels iyo  wadamada midowga yurub ayaa hada si dhaw ula socda waxa ka dhacaya Lesbos falcelinta wadamada Europe ayaana ku kala duwan aragti ahaan Austria ayaanan qaabilidoonin wax qaxooti ku sugan Lesbos.

Photo: Henrik Mongomery / TT.

– Waxaan halis ugu jirnaa inaan dadka siino rajo been ah sidii dhacday sanadkii 2015, ayuu yiri hogaamiyaha Sebastian Kurz muuqaal uu soo dhigay maanta Youtube.

Poland iyo Hangari ayaa isku mid ah. Faransiiska iyo Jarmalka iyo qaar ka mid ah waddamada Midowga Yurub, ayaa dhinaca kale, isu-geeyay oo qaabilay in ka badan 400 oo carruur ah oo aan qaan-gaarin oo ku noolaa waalid la’aan xerada Moria, lakin Xaalada Corona dartii dowlada Giriiga ayaa codsaneysa in qofna uusan ka bixin Kaamka Moria ee Lesbos si uusan u gaarin wadanka intiisa kale

Madaxweyne Ku-xigeenka Komishanka Yurub Margaritis Schinas ayaa shalay sheegay in Moria ay xusuus weyn ku tahay dabka ka kacay ee burburiyay hoyga ay ku noolaayeen Qaxootiga loona baahan yahay in wadamada yurub ay gurmad siiyaan Qaxootigaasi:

Wadamada Yurub ayaanan ku heshiin siyaasad dhab ah oo lagu wajaho qaxootiga soo galaya yurub ee mustaqbalka iyadoo wadan walbo uu hada sameestay siyaasad gooni u ah.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here