Home News in English Dadka Hawlgalka Sweden oo lacagta loo kordhinayo Canshuurtana laga dhimayo

Dadka Hawlgalka Sweden oo lacagta loo kordhinayo Canshuurtana laga dhimayo

0

Wasiirka Maaliyadda Magdalena Andersson (S) iyo Wasiirka Caymiska Bulshada Ardalan Shekarabi (S) waxay ka hadlayaan arimo cusub oo ku saabsan miisaaniyadda soo socota.

Dowlada ayaa yareyn doonta canshuurta hal milyan oo dadka howlgabka ah sanadka 2021. Faa’iidada sidoo kale waa la kordhin doonaa.

Photo: Henrik Montgomery/TT

Dawladdu waxay soo jeedinaysaa dhowr tallaabo oo lagu xoojinayo dhaqaalaha howlgabnimada Hawlgabku waxaa lagu kordhin doonaa dhaqaalo cusub isla wakhtigaas  dadka ka weyn 65 sano waxaa laga dhimayaa canshuurka. Hindisayaashu waxay ku saleysan yihiin heshiis dhex maray xisbiyada maamulka, Centerpartiet iyo Liberalerna, sida ay ku qoreen war-saxaafadeedkooda.

Intaa waxaa dheer, gobolka waxaa lagu darayaa 4.5 bilyan dheeraad ah daryeelka waayeelka, taas oo sidoo kale gacan ka geysan doonta xaaladaha shaqaalaynta.

– Taas macnaheedu waxa weeye in tobankii hawlgabba sagaal ka mid ahi wax badan ka helidoonaan gaar ahaan lacagta ay u helaan biilka, ayay tidhi wasiirka maaliyadda Magdalena Andersson.

– Dad aad u tiro badan ayaa hawlgabkoodu aad u hooseeyo Iswiidhan. Sidaas darteed, dowladdu waxay u soo jeedinaysaa kabista hawlgabka ee gaaraya 600 karoon bishiiba ayuu yiri wasiirka caymiska bulshada Ardalan Shekarabi

caawinta iyo kabitaanka dadka hawlgabka ayaa bilaaban doona xiliga deyrta soo socoto.

Somaliska Stockholm

Turjumay Somaliska Xigasho/ radiosverige qeybta afk-sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here