Home Wararka Caalamka Booliska Germalka oo qabtay 250 Qori iyo Ninkii watay oo ka tirsanaa...

Booliska Germalka oo qabtay 250 Qori iyo Ninkii watay oo ka tirsanaa Kooxaha midigta-fog

0

Booliska Jarmalka ayaa Sabtidda maanta sheegay inay qabteen ilaa 250 qori iyo dhowr kun oo rasaas ah nin la rumeysan yahay inuu yahay mid u janjeera dhanka midigta-fog.

Booliska gobolka waqooyi-galbeed ee Lower Saxony ayaa sheegay in hubka laga helay aagga Seevetal, oo koonfurta ka xigta Hamburg, intii lagu jiray baaris fiidkii Jimcaha.

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa lagu sheegay in baarayaasha ay u maleynayaan in ninkan uu ka tirsan yahay Kooxaha garabka midig.

daruufaha jira awgood.Bayaanka ma uusan faah faahin ama ma sheegin sababta uu ninkaasi u watay hubka, iyadoo loo aaneynayo baaritaanka socda ee ku saabsan tuhun laga qabo inuu ku xadgudbay sharciyada hubka.

Rabshadaha midig-fog waxay sababeen walaac sii kordhaya Jarmalka sanadihii la soo dhaafay.

Somaliska Berlin

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho Abcnews.go

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here