Home News in English Sharciyo Adag oo lagu soo kordhinayo helista ( Körkort ) iyo Barashada...

Sharciyo Adag oo lagu soo kordhinayo helista ( Körkort ) iyo Barashada Gawaarida ee Macalimiinta

0

Maanta, dowladdu waxay heshay talo soo jeedin ku saabsan sida looga hortago qishka imtixaannada wadista baabuurta iyo kahortagga dugsiyada darawalnimada sharci darrada ah si loo helo kaarka wadista gawaarida waxaa intaasi dheer tirada uu isku qori kari Macalinta oo la dhimay iyadoo laga dhigay 5 qof oo kaliya.

– Asalka ayaa ah in tababarka darawalnimada iyo qishka sharci darada ah inta lagu guda jiro imtixaanada ay yihiin dhibaato weyn isla markaana halista ka sii daraysa marka la eego amaanka taraafikada isla waqtigaas iyadoo howlaha tababarka sharciga ay saameyn ku yeelanayaan tartan aan caafimaad qabin, ayuu yiri baare ka tirsan wakaalada gaadiidka Iswiidhan Olof Stenlund

Tababarayaasha wadayaasha ee jabiya shuruucda ayaa la siin doonaa ciqaab adag isla markaana macalimiinta khaaska ah ayaa loo oggolaan doonaa inay tababaraan ugu badnaan shan arday isla waqti isku mid ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen 15 taas oo la oggol yahay maanta.

Qof kasta oo ku khiyaameeya imtixaanka wadista waa inuu sidoo kale awoodaa in laga joojiyo muddo labo sano ah.

Kuwani waa qaar ka mid ah 14 soo jeedin ee talaabooyinka uu baaraha Olof Stenlund maanta ku wareejiyay Wasiirka Kaabayaasha Tomas Eneroth (S).

Somaliska Stockholm xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here