Home News in English Sweden oo go’an kasoo saartay Muwaadiniinta Britain ee ku sugan Dalkeeda

Sweden oo go’an kasoo saartay Muwaadiniinta Britain ee ku sugan Dalkeeda

0

Dowlada Sweden ayaa go’an kasoo saartay Muwaadiniinta Britain ee ku sugan Dalkeeda go’anka ayaana la xiriira Dadka ku nool Sweden madama 31 janauary ay Dowlada UK ku dhawaaqday xiliga ay ka baxeyso Midowga Yurub waxana saameyn ku yeelaneysaa dadka ku nool wadamada yurub ee heesta dhalashada Dalka ingariiska.

Hay’ada Socdaalka Sweden ee Migrationsverket oo warbixin la xiriirta arinkan ku soo qortay bogeeda ayaa sheegtay in Dadka ku nool Sweden ee kasoo jeeda UK ay ku noolaan karaan wadanka xataa hadii ay Dowlada UK iskaga baxdo Midowga yurub.

“Inta lagu jiro xilliga kala guurka, muwaadiniinta Ingiriiska iyo xubnahooda qoysku waxay yeelan doonaan xuquuq la mid ah sidii hore, waxayna ku sii noolaan karaan, ka shaqeyn karaan waxna ka baran karaan Iswiidhan,” ayuu yiri Jonas Colling, oo mas’uulka ka ah isku dubaridka Brexit ee Hay’adda Socdaalka.

” Dowlada ayay u taalaa inay go aansato sida Sweden ula dhaqmi doonto muwaadiniinta uk. Hay’adda socdaalka ee Iswiidhan waxay kula talinaysaa muwaaddiniinta Ingiriiska inay sugaan macluumaadka arrintan ku saabsan si ay u arkaan sida ugu habboon ee ay ugu ilaashan karaan xuquuqdooda xilliga kala-guurka ka dib. ”

ugu danbeyn hay’ada ayaa shaaca ka qaaday in warbixin kasto oo ku soo kororta arinkan ay dadka kala socon karaan boga ay internetka ku leeyihiin.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here