War deg deg Ah:- Xaafada Rinkeby oo lagu toogtay wiil Somali ah

war hada soo gaaray warbaahinta Somaliska ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor xaafada Rinkeby lagu toogtay wiil somali ah kaasi oo dhaawac ahaan loo qaaday.

Warbaahinta gudaha wadanka wali maysan soo qorin war la xiriira falkan toogashada ah madama uu dhacay goor dhow lakin warbaahinta somaliska ayay u suura gashay helitaanka.

Ilo muhiim ah oo u waramey Somaliska ayaa sheegaya in qofka la toogtay dhaawiciisa uu ahaa mid halis ah.

Xaafada Rinkeby oo kamid ah Xaafadaha ay daganyihiin Somalida waxaa ka dhaca toogashooyin lakin bilihii u danbeeyay ayaa laga nastay weerarada ay isku geestaan kooxaha gangiska.

Somaliska Stockholm

Somaliska.com Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.