Home Wararka Maanta Jimmie Åkesson ” Waxaan rabnaa in wadanka laga saaro Ajaanib ka badan...

Jimmie Åkesson ” Waxaan rabnaa in wadanka laga saaro Ajaanib ka badan kuwa imaanaya”

0

Jimmie Åkesson oo ah hogaamiyaha Xisbiga Midigta fog ee Dalka Sweden ayaa ka hadlay aragtida xisbigiisa ee ku aadan Khilaafka Siyaasada Qaxootiga oo muran badan ka dhalisay Xisibyada Wadanka ka jira waxana uu Xisbiga soo bandhigay Qorshahiisa ku aadan sida lagu wajahayo Siyaasada Qaxootiga mustaqbalka iyo sida ay doonayaan.

Jimmie Åkesson ayaa warbaahinta u sheegay qorshahooda uu yahay sidii wadanka looga sari lahaa Qaxootiga ku sugan kana badan kuwa imaanaya wadanka sidoo kale in la adkeeyo mideynta Qoysaska leesku keenayo wadanka iyo in dib loo celiyo Qaxootiga wadanka kasoo gala dhanka xaduuda ee soo mara wadamada amaanka ee midowga yurub kamid ah.

Hidisaha Xisbiga ayaana dhigaya in Qaxooti badan wadanka laga tarxiilo iyo in la yareeyo Qaxootiga cusub ee dowlada soo qaadato sanad walbo.

Qorshaha kale ee Xisbiga soo jeediyay waxaa kamid ah in la tarxiilo kooxaha gangiska ee dhibaatada ka geesta wadanka qaasatan kuwa ajanabiga ah.

Xisbiga SD ayaa aad uga soo horjeeda Qaxootiga lakin fikradaha uu soo jeediyay ayaa ah kuwa badankooda ay kasoo horjeedeen Xisbiyada wadanka ka dhisan.

Foto: Jonas Ekströmer / TT /

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here