Home Wararka Maanta Sharciyo Cusub oo lagu soo rogay Dalalka Faransiiska iyo Biljimka

Sharciyo Cusub oo lagu soo rogay Dalalka Faransiiska iyo Biljimka

0

Dalalka Faransiiska iyo Biljimka ayaa lagu soo rogay sharciyo dhanka bulshada ah kadib markii xanuunka Corona uu labada dal dib ugu soo laabtay dhanka Faransiiska waxaa magaaalooyinka lagu soo daayay Booliska hubinaya marada afka lagu xirto taasi oo laga dhigay sharci marka aad ku sugantahay goobaha bulshada iskugu timaado gudaha iyo banaanka.

Afayeen u hadlay Dowlada Faransiiska ayaa Shacabka u sheegay in aysan ka baqin Booliska lakin taasi badalkeeda ka baqaan Fayriska Corona isla markana ilaaliyaan Sharciyada.

Dalka Biljimka ayaa isna sharci laga dhigay in marada afka lagu xirto goobaha qaar ee wadanka waxana waajib looga dhigay qof kasta oo ka weyn 12 sano jir.

wixii ka danbeeyay 11 july wadanka ayaa lagu soo rogay in dadka looga baahanyahay marada afka lagu xirto booliska wadanka ayaana lagu amray hubinta sharciyada dowlada soo rogtay.

PHOTO: FRANCISCO SECO / AP / TT

Somaliska Paris

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here