Home Wararka Maanta Iskuulada Sare ee Sweden oo dib u bilaabanaya iyo Cabsi soo wajahday...

Iskuulada Sare ee Sweden oo dib u bilaabanaya iyo Cabsi soo wajahday Ardayda

0

mudo isbuuc ah ayaa ka hartay in dib loogu laabto iskuulada sare ee Dalka sweden lakin ardayda bilaabeysa waxbarashada waxaa soo wajahay cabsi dhanka iskuulada oo dib loo aadayo madama bilihii u danbeeyay lagu barayay heerka waxbarashada qaabka fogaanta.

Ardayda badankooda ayaa dhaleeceeyay iskuulada dib loogu laabanayo waxayna dood ka keeneen sida uu noqonayo habka waxbarashada iskuulka waxana ardaydaasi kamid ah Moa Jäger oo ku nool Degmada Esklistuna.

Moa Jäger ayaa su’alo dhoor ah ka keentay sida ardayda fasalka u fadhiisan karaan habka macalinka uu wax u barayo iyo qaabka loo ilaalinayo fogaan isku jirka waxayna intaasi ku dartay in ay dareemeyso cabsi dhanka xanuunka corona in uu dib ugu fido iskuulada.

Dowlada Sweden ayaa taasi badalkeeda qorsheeneysa in iskuulada toos loo dhigto lakin cabsida dowlada ayaa ah xiliga subixii oo dad badan isla raacaan basaska taasi oo ka dhalan karta in xanuunka uu dib u soo laabto.

Photo: Tomas Oneborg / SvD / TT.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here