Home Wararka Maanta Waa imisa Lacagta ku baxda Qofka laga tarxiilo Wadanka Sweden

Waa imisa Lacagta ku baxda Qofka laga tarxiilo Wadanka Sweden

0

xili wadanka sweden laga masaafuriyo dad kala duwan oo ka kooban kuwa wadanka dambi ka galay iyo kuwa heesta diidmo ayaa qarashka ku baxa tarxiilidooda waxa uu noqday labo laab sidii hore sida ay sheegtay hay’ada maamusho dhanka Xabsiyada wadanka sweden.

Dadka la tarxiilo ayaa lacag ahaan waxaa ku baxdo 56 kun oo lacagta sweden ah lakin Xiligan lagu jiro xaalada Corona waxay lacagtaasi noqotay 130 kun oo karoon waxana ay salka ku heysaa madama diyaarado qaas ah loo kireeyo dadkaasi.

”Waxaynu nahay urur u dhisan baaxad ahaan in aan fulino sannadkii ilaa iyo 5 kun oo duulimaad oo masaafurin ah hase yeeshee howshaasi imminka aad ayay hoos ugu dhacday balse shaqaalihii iyo qarashka ku baxayay maamulkii weli waa sidooda” ayuu yiri  Magnus Brusbäck.

Bilowgii abriil ilaa iyo dhammaadkii juun ee sannadkii hore dad gaaraya 1.300 ayaa laga masaafuriyay Sweden, iyado tirada ugu badan dadkaasi ee 90 boqolkiiba lagu qaaday duulimaadyada caadiga ee rakaabka.

Isla wakhtigaasi oo kale ee sannadkan marka lala barbardhigo, tiradda ayaa ah 372 balse kharashka ku baxay tiraddan ee sanadkan ayaa ah mid aad u badan. qof walba oo ka mid ah 372 qof ayaa lagu qaaday diyaarad si gaar ah loo kireeyay.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here