Home Wararka Maanta Sugitaanka Balanta Tijaabada imtixaanka ee Gawaarida Sweden oo 3 bil ka badan

Sugitaanka Balanta Tijaabada imtixaanka ee Gawaarida Sweden oo 3 bil ka badan

0

Sida ay maanta soo bandhigtay raadiyaha Dowlada Sweden dadka suga ama sameesta balanta tijaabada imtixaanka lagu qaado kaarka gawaarida ayaa mareysa sadax bil ka badan halka dadk qaar ay waayeen helitaanka waqti taasi oo keentay xanuunka corona ee xiligan lagu jiro.

Magaalooyinka waqtiga dheer la sugayo imtixaanka waxaa kamid ah Caasimada Stockholm sida ay sheegtay Louise Klefvenberg oo kamid ah dadka samestay balan si imtixaanka u marto.

Gobolada Dalka Sweden ayaa ku kala duwan helitaanka imtixaanka Caasimada Stockholm ayaana kamid ah meelaha sida aadka u adag in aad hesho.

Madaxa Qeybta Tijaabada ee Trafikverket Rikard Granlund  ayaa sheegay in Hay’ada isku dayeyso in la helo boosas banaan oo dhanka imtixaanka ah iyo in Shaqaalo cusub la shaqaaleysiiyo.

dib u dhaca imtixaanka ayaa saameyn ku yeeshay dad badan oo qorsheenayay in ay qaataan Korkort imtixaanka ugu adag helitaankiisa ayaana ah midka lagu qaado gaariga caadiga (Personbil)

Photo/TT

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here