Home Wararka Maanta Dadka Swedishka oo Giriiga loo Fasaxay iyo Sharuudo lagu xiray Safarkooda

Dadka Swedishka oo Giriiga loo Fasaxay iyo Sharuudo lagu xiray Safarkooda

0

Dowlada Gariiga ayaa ugu danbeyn shaacisay in wixii ka danbeeya 17 bishan Agoosta ay dalkooda u soo safri karaan Dadka ka imaanaya Dalka Sweden lakin Dowlada waxay ku dhawaaqday sharuudo la xiriir dadkaasi kasoo safraya Dalka Sweden.

Sharuudaha waxaa kamid ah in Qofka kasoo safraya Sweden uu wato warqad cadeeneysa in Qofkaasi uusan qabin Corona isla markana uu tijaabo iska soo qaado ka hor inta uusan safrin.

Gariiga ayaa aad ugu hooseeya tirada Xanuunka Corona waxana ku dhintay 730 qof oo kaliya lakin maalmihii u danbeeyay waxaa soo kordhay tirada kiisaska cusub.

Wadamada kale ee Sharuudaha cusub la dul dhigay waxaa kamid ah Sweden, Belgium, Spain, Netherlands iyo Czech Republic.

ugu Danbeyn Dowlada ayaa sheegtay in uu qofka qasab ku yahay xirashada marada Afka lagu xirto.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here