Home Wararka Denmark Corona oo dib ugu soo laabtay Denmark iyo Cabsi laga qabo in...

Corona oo dib ugu soo laabtay Denmark iyo Cabsi laga qabo in dib loo xiro Dalka

0

Dowlada Denmark ayaa bilowday dagaal ay la galeyso Xanuunka Corona oo dib ugu soo laabtay Wadanka waxana Dowlada xooga saareysa in wadanka aanan dib loo xiro xili laga cabsi qabo in Xanuunka Corona dartii dalka dib loo xiro Degmooyinka qaarkood ayaana lagu soo rogay sharciyo ay kamid yihiin marooyinka Afka lagu xirto.

Magaalada Ã…rhus ee wadanka Denmark ayaa kamid ah meelaha dadka looga baahan yahay marada afka lagu xirto marka ay Dadka ku suganyihiin goobaha laga raaco tareenada iyo Basaska si xanuunka loo yareeyo.

Wasiirka Caafimaadka Denmark Magnus Heunicke oo shir jaraa’id uu qabtay shalay galab warbaahinta u sheegay in Magaalada Silkeborg ay kamid tahay meelaha lagu soo rogay in dadka ay qaataan marada afka lagu xirto.

mudo 24 saac ee lasoo dhaafay ku dhawaad 76 kiis ayaa wadanka Denmark laga diiwaangaliyay kala bar ayaana laga diiwaangaliyay magaalada Ã…rhus oo kaliya.

Photo: Martin Sylvest / AP

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here