Home Wararka Maanta Dhimashada Sadax Qof oo Coronavirus laga diiwaangaliyay Sweden

Dhimashada Sadax Qof oo Coronavirus laga diiwaangaliyay Sweden

0

tan iyo maalinta jimcada ayaa laga diiwaangaliyay dhimashada sadax qof oo u dhintay xanuunka Corona sida ay maanta shaacisay hay’ada Caafimaadka Dadweynaha taasi oo tirada guud ka dhigeysa 5766 qof.

Tirada dadka qaaday Xanuunka Corona tan iyo jimcihii waxaa ku soo siyaaday 649 qof taasi oo tirada guud ka dhigeysa 82,972 qof.

Dadka la dhigay qeybta gargaarka deg dega ayaa gaaray 2533 qof waana tiro aad ugu hoseesa tirada la filayay.

Hay’ada Caafimadka Dadweynaha ayaa ku guuleysatay xakameyta xanuunka Corona bishii ugu danbeesay waxana hoos u dhacay tirada la diiwaangaliyay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here