Home Wararka Maanta Daawo:- Buuq iyo Fowda markale ka dhacday Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo

Daawo:- Buuq iyo Fowda markale ka dhacday Masaajidka Towfiiq ee Caasimada Oslo

0

Masaajidka Towfiiq ee ka dhisan Caasimada Oslo ee Dalka Norway ayaa markle ka dhacday buuq iyo fowdo ay sameeyeen Somalida ku muransan Masaajidka waxana buuqa ugu danbeeyay uu yimid kadib markii shir lagu balansanaa in uu dhaco masaajidka ay kasoo horjeesteen qeyb kamid ah Somalida ku muransanaa masaajidka.

Shirka dhacayay kadib ayaa la bilaabay codeen loo balansanaa oo ka dhici laheyd masaajidka dhexdiisa lakin sida la filayay marka ay codeenta bilaabatay ayaa buuq iyo fowda ay sameeyeen xubno ku sugnaa masaajidka waxana taasi ay keentay in booliska Oslo oo goobta ku sugnaa ay markiiba banaanka u saaraan xubnahaasai.

shaqsiyaadka banaanka looga saaray ayaana isku dayay in ay booliska xoog u isticmaalaan si ay gudaha ugu galaan masaajidka sida uu muujinayo muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ee somalida ku nool wadanka.

Khilaafka ka taagan gudiga Masaajidka Towfiiq ayaa ah mid wali taagan mana jirto xal laga gaaray iyadoo Dowlada Norway ay dhoor jeer isku dayday in khillafka lasoo afjaro.

Riix Daawo Muuqaalka

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here