Home News in English Stockholm Gabar 12 sano jir ah oo toogasho lagu dilay warbaahinta oo...

Stockholm Gabar 12 sano jir ah oo toogasho lagu dilay warbaahinta oo hadal heysa

0

gabar 12 sano jir ah ayaa lagu dilay Degmada Botkyrka kadib toogasho loo geestay xili ay ku sugneyd goob gawaarida looga shubto Shirdaalka oo ku taalla Norsborg oo ka tirsan Botkyrka Dilkaasi ayaana noqday mid warbaahinta gudaha ay aad u hadal hayaan maanta.

Dilka kadib dad maqlay rasaasta ayaa booliska Stockholm gaar ahaan nawaaxigaasi la xiriiray kuna wargaliyay rasaasta waxana ay gaareen goobta ay ugu tageen gabadhan 12 sano jirta ee toogashada loo geestay taasi oo marka danbe u dhimatay.

ilaa hada cidna looma qaban dilka gabadhan iyadoo ay jiraan baaritaan ay wadaan Booliska iyo in ay xireen goobta uu falkan ka dhacay ee Botkyrka.

Madaxda Booliska ee Qaranka Thornberg oo ka hadlay dhacdadan ayaa yiri ” Booliska kama raja dhigidoonaan joojinta rabshadaha ka dhasha toogashooyinka waxaan awoodeena u isticmaalidoonaa in aan keeno kuwa ka danbeeyay Dilkaasi si cadaalada loo marayo ”

Dilalka ka dhaca Dalka Sweden gaar ahaan Caasimada ayaa ah kuwa ay isku geestaan kooxaha gangiska lakin dilka loo geestay gabadhan 12 sano jirka ayaa ahaa mid naxdin ku reebay  dadka ku nool halkaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here