Home Wararka Maanta Norway oo laga Cabsi qabo in Corona dib u soo laabtay iyadoo...

Norway oo laga Cabsi qabo in Corona dib u soo laabtay iyadoo la raadinayo Dadkii ku safray Markabka Hurtigruten

0

Dalka Norway ayaa aad looga cabsi qabaa in Xanuunka Corona uu dib ugu soo laabto kadib markii markabka ay leedahay shirkada Hurtigruten laga helay 36 oo qaba Xanuunka Corona xili sidoo kale dhawaad magaalada Moss laga helay dad badan oo qaba xanuunka Corona.

Dadka ku safray Markabka ay leedahay shirkada Hurtigruten ayaa qaarkood la karantiilay halka qaarka kale ay aadeen guryahooda iyagoo aanan lagu sameen wax baaritaan ah.

Macadka Caafimaadka Dadweynaha ee Norway ayaa hada fariin u diray dadkii raacay markabkaasi ee guryahooda ku laabtay iyagoo laga codsanayo in ay baaritaan isku sameeyaan ama ay iska diiwaangaliyaan xaruumaha Cafimaadka si baaritaan loogu sameeyo.

69 Qof oo kamid ah Dadka saarnaa markabka ayaa ahaa dad asal ahaan Norweigian ah kuwaasi oo ku noolaa wadanka.

Hay’ada Caafimaadka ee Wadanka ayaa dhaleeceen xoogan u jeediyay shirkada Hurtigruten ee markabkan laheyd ee ku aadan halista ay galisay dadkaasi.

Somaliska OSlo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here