Home Wararka Maanta Stefan löfven ” Waxaa jiray Ururo isoo jiitay inta lagu guda jiray...

Stefan löfven ” Waxaa jiray Ururo isoo jiitay inta lagu guda jiray Xaalada Corona

0

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay Xaalada Corona ee Sweden mudada adkeet ee lasoo maray ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku soo qoray qaar kamid ah Ururada Sweden ka shaqeeya kuwaasi oo ku tilmaamay kuwa soo jiitay isaga marka la eego dadka u shaqeeyay ama ka shaqeeyay goobaha waayeelka.

” Kooxaha sida aadka ii soo jiitay aniga waxay aheyd dadka sida bilaashka ku caawiyay waayeelka ” ayuu ku qoray Bartiisa Facebook.

Caruurta Nugul, dadka ay ku adkaatay helitaanka macluumaadka ayaa kamid ahaa dadka helay caawinta Ururada sida bilaashka ku shaqeeyay ayuu yiri Stefan.

Raisal wasaaraha ayaa intaasi ku daray in Degmooyinka aysan awoodin caawinta guud ahaan dadka marka ay timaado xaalada Corona lakin Ururada sida bilaashka u shaqeeya ay aheyd in la caawiyo.

Ururada helay taageerada dawlada usbuucyadii la soo dhaafay waxaa ka mid ahaa Ururka
Laanqayrta Cas, Kaniisadda iswiidhishka iyo ergooyinka madaniga ah. Dhanka kale,
.ururrada ilaalinta carruurta ayaa helay taageerada dowladda. Sida uu sheegayo Lovin

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here