Home News in English Raisul Wasaaraha Sweden oo cadeeyay go’ankiisa Dowlada ee Qaxootiga Cusub iyo Arimaha...

Raisul Wasaaraha Sweden oo cadeeyay go’ankiisa Dowlada ee Qaxootiga Cusub iyo Arimaha Socdaalka

0

Raisul wasaaraha Sweden Stefan oo wareysi dheer siiyay Joornaalka Aftonpladet ayaa ka hadlay Xaalada Sweden ee xiligan waxana Wareysigiisa oo ka kooban qeybba kala duwan aan kasoo qaadaney inta ugu muhiimsan oo ah Arimaha Socdaalka, Xaalada Carona ee wadanka iyo arimaah Canshuuraha.

stefan löfven ayaa ugu horeen ka hadlay Arimaha Socdaalka isagoo soo qaatay dhanka Qaxootiga Waxana uu sheegay in ay cadahay go’anka Dowlada ee ku aadan Tirada Qaxootiga ee Wadanka uu qaadanayo.

”maya waxaan leenahay ma jiro tiro xadidan oo Qaxooti ah taasi si waadax ayaan u cadeenay waayo waxay ka hor imaaneysa mida xaquuqda qofka waxayna jabineysa xeerka caalamka” Stefan ayaa sidaasi u sheegay Aftonpladet”

Maxaad Sameeneysaa Hadii wadamada kale aysan qaadan qeybtooda”

” Haad taasi waa waxa aan arki doono gudiga Yurub ayaa arinkan ka yeelanaya kulan deerta nagu soo wajahan taasi waa mid u taala Wadamada yurub ee xubinta ka ah Midowga yurub”

Raisul wasaaraha Sweden ayaa dhoor jeer oo warbaahinta la hadlay soo bandhigay go’ankiisa arimaha socdaalka isagoo kasoo horjeestay in Sweden aysan qaadan tiro ama xadi go’an oo Qaxooti ah isagoo cuskanaya arimaha Xaquuqda qofka ee ah in aan laga celin karin wadanka hadii uu iska dhiibo.

ugu danbeyn mar uu ka hadlay Xaalada Corona ayuu sheegay in Sweden ay ku saxsantahay Qorshaha ama istiraatiijiyada ay u isticmaashay Corona taasi oo ka duwan Caalamka intiisa kale.

Somaliska Stockhom

xigasho/Aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here