Home News in English Sharciga ku meel gaarka ee Qoysaska kala duwan dhalasho ahaan oo...

Sharciga ku meel gaarka ee Qoysaska kala duwan dhalasho ahaan oo wax laga badalayo

0

dood xoogan ayaa ka jirta Sharciga ku meel gaarka ee Qofka Swedishka Qasab uga dhigaya in uu Masruufi karo Qofka ay Nolosha wadaagaan hadii uu doonayo in uu Dalka Sweden usoo wada guuraan bisha Agoosta ayaana la filayaa in Xeerka wax laga badalo si Dadka Swidhishka loogu fududeeyo in ay Dalka ula soo guuraan Qofka ay Nolosha wadaagaan.

Dad badan oo Swedishka ah ayaa Sanadihii u danbeeyay Dhibaato ka dareemay Sharcigan oo lasoo kordhiyay Sanadkii 2016 kaasi oo dhigaya in Qofka uu Masruufo Qofka ay Nolosha wadaagaan Kahor inta aysan Dalka u soo guurin isla markana ay heestaan guri iyo wax walbo oo looga baahanyahay.

Lenna waa Haweeney ku nool Dalka Canada waxayna Halkaasi kula nooshahay Ninkeeda oo heesta dhalashada Canada lakin isku daygooda ahaa in ay u soo guuraan Dalka Sweden ayaa ku adkaatay waxana hada ay Qorsheeneysaa in ay u guurto Dalka Faransiiska.

Mudo Hal sano ah ayay kugu qaadaneysaa in aad buuxiso Sharuudaha in laguu ogolaado in aad Dalka ula soo guurto Qof aanan heysan dhalashada Dalka lakin taasi ayaa hada waxaa ka jira dood xoogan oo keeni karta in Sharcigan meesha laga saaro.

Marka Sharcigaasi ku meel gaarka la hakiyo waxaa qofka u fududaaneysa in si dhaqso ah oo lamaanihiisa ula soo guuro karo Dalka waxaa sidoo kale meesha ka bixi kara Sharuudaha Dadka ajaanibta madama Sharciga ay Dadka u simamyihiin.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here