Home Wararka Maanta Xisbiga Sverigedemokraterna oo joojiyay Mamnuucida Xijaabka ee iskuulada

Xisbiga Sverigedemokraterna oo joojiyay Mamnuucida Xijaabka ee iskuulada

0

Xisbiga SD ayaa qorsheenayay sidii loo mamnuuci lahaa xirashada xijaabka ee goobaha waxbarashada lakin Xisbiga qeybtiisa Skåne ayaa joojiyay guud ahaan mamnuucista xijaabka go’anka ayaa yimid xili kamuunada kale ay wadaan mamnuucista xijaabka.

Demgada Skurup ayaa kamid ah Degmooyinka goor hore mamnuucay Xijaabka lagu dhigto iskuulada Maxkamada Degmada ayaa hada go’aamineyso hadii go’ankaasi uu yahay mid sharciga Sweden ka hor imaanaya iyo hadii kale.

Ururka Waxbarashada Sweden ayaa dhankiisa sheegay in go’anka Mamnuucida Xijaabka uu yahay mid sharci daro ah kana hor imaanaya xuriyada diimaha.

Sweden ayaa kamid ah wadamada sida aadka u ilaaliya sharciyada la xiriira xuriyada iyo in qof kasta uu si xur ah ugu dhaqmo diintiisa.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here