Home Wararka Maanta Diyaaradii ugu horeesay oo maanta ka duushay Sweden iyadoo ku sii jeeda...

Diyaaradii ugu horeesay oo maanta ka duushay Sweden iyadoo ku sii jeeda Dalka Gariiga

0

Abaaro 11 Duhurnimo ee maanta oo khamiis ah ayaa diyaaradii ugu horeesay ka duushay Garoonka diyaaradaha Arland ee Caasimada Stockhom iyadoo ku sii jeeda Dalka Gariiga kadib mudo dhoor bilood oo hakad ku jiray duulimaadka labada wadan.

Ururka TUI ee maamula diyaarada ka duushay Arland ayaa warbaahinta TT u xaqiijiyay Duulimaadkaasi u dhaxeeya Sweden iyo Gariiga kadib wada hadal dhex maray labada dowladood iyo Shirkada diyaarada sida uu sheegay Adam Gorky oo ah madaxda Xiriirka ee shirkada TUI.

Warar soo baxayay shalay ayaa warbaahinta u sheegay in Dowlada Gariiga ay diiday Diyaarad toos uga imaaneysa Dalka Sweden lakin ugu danbeyn maamulka shirkada ayaa xaqiijiyay in la xaliyay khilaafkaasi iyadoo diyaarada ay toos uga dagtay Jasiirada Rhondes ee Dalka Gariiga.

Dowlada Sweden ayaa horay u kordhisay Xanibaada saaran Dulimaadka safarada caadiga ah ee muhiimka aheen kuwaasi oo lagu tagayo dalal ay ku jirto Gariiga.

Wasiirada arimaha Dibada Sweden Ann lindy ayaa dhankeeda warbaahinta u sheegay in ay xiriir la sameenayaan Dowlada Gariiga si ogolaansho loo siiyo diyaarada.

Duulimaadka Sweden ee wadamada qaarkood ayaa si tartiib tartiib u bilaabanaya waxana jira diyaarado kale oo maalin kasta si toos ah uga baxa Sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here