Home News in English Sweden oo kordhisay mudada lagu qaato Lacagta deynta ee kaarka wadista gawaarida...

Sweden oo kordhisay mudada lagu qaato Lacagta deynta ee kaarka wadista gawaarida (Körkort)

0

Dowlada Sweden ayaa kordhisay mudada lagu qaadan karo lacagta deynta ee qofka u sahla in uu qaato kaarka wadista gaariga kaasi oo horay dowlada u soo saartay sharciga ayaana dhigaya in qofka aan shaqeenin la deemiyo lacag gaareysa 15,000 kr oo lacagta sweden si uu kaarkaasi u qaado.

Xaalada Corona ayaa keentay in Dowlada ay mudo sanad dheeri ah ay ku darto lacagtaasi deynta ee qofka shaqo la’anta heli karo si uu u qaado kaarta wadista gawaarida kadibna uu suuqa shaqada ugu galo.

Lacagtan ayaa ah mid Dowlada ugu tala gashay in dadka shaqo la’anta ah ay si fudud ku qaadan karaan kaarkaasi iyagoo lacagta deynta ka helaya hay’ada waxbarashada Sweden ee CSN.

go’anka dowlada ayaa noqonaya mid faa’ido u leh dad badan oo ka wal-walsanaa mudada deynta lacagta oo dhamaatay inta lagu guda jiray xaalada Corona.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here