Home News in English Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Cusub oo Mushahar siinaya Waalidka iyo Dadka...

Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Cusub oo Mushahar siinaya Waalidka iyo Dadka Qaar ee Shaqadooda uga joogay Corona

0

Barlamaanka Dalka Sweden ayaa ugu danbeyn ansixiyay sharci dhawaan dowlada soo saartay oo dhigaya in mushahar ama magdhow la siiyo dadka qaar ee xanuunka Corona u nugul sida dadka qaba xanuunada qaar ee ka baqaya in uu Corona ku dhaco hadii aay aadan Shaqadooda.

Dadka Shaqadooda ka joogaya ee heli kara lacagtan waxaa kamid ah dadka qaba xanuunada gaarka ah una nugul Corona iyagoo helaya magdhow jiro (sjukpenning) sidoo kale waxaa ku jira waalidka jooga gurigooda sababo la xiriira caruurta ay heestaan ee qaba cudurada gaarka ah.

Halkan ka Akhriso Dadka loogu tala galay lacagtan

Dadkaasi ayaa lacag ahaan maalin kasta waxay helidoonaan 800 kr oo u dhow lacagta ay ka helaan goobta shaqada mudo 90 maalmood oo u dhiganta 3 bil Dowlada ayaa ka fakareysa in lasii kordhiyo semtemper kadib madama sharciga uu bilaabanayo july kowdeeda.

Dowlada ayaa Sharcigan cusub ugu talagashay lacag gaareysa 5.9 bilyan.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here