Home Wararka Caalamka Nin Somali ah oo Xaaskiisa ku dilay Dalka Germalka oo mudo kooban...

Nin Somali ah oo Xaaskiisa ku dilay Dalka Germalka oo mudo kooban ku nooleyd

0

AUN waxaa dalka Germalka lagu dilay Laylo Siciid oo kamid aheyd jaaliyada Somalida ee ku nool Dalkaasi oo dhawaan dagtay kadib markii uu ninkeeda ku dilay toorey ama mindi maanta galinka hore sida ay ku warameyso warbaahinta gudaha Germalka.

Laylo Siciid ayaa wadanka Germany gaartay sanad ka hor kadib markii Hay’ada Qaxootiga aduunka ay kasoo qaaday wadanka Masar oo Qaxooti ku aheyd inta aysan soo dagin Magaalada Cloppenbugr ee Gobolka Niedersachsen halkaasi oo dhibaatada kula dhacday.

Ninkaan dilay Xaaskiisa Layla ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Cali waxana ay is qabeen oo kaliya labo bilood iyadoo Ehelada labada dhinac ay sheegeen in uusan jirin dhibaato u dhaxeysay labadooda.

AUN Layla Siciid ayaa ifka uga tagtay wiil yar oo 2 sano jir ah kaasi oo marka falka dhacayay goobta ku sugnaa isla markana u jeeday dilka hooyadiis.

Dowlada Germalka gaar ahaan qeybta qaabilsan xaanada Caruurta ayaa hada la wareegtay xanaada wiilkan yar waxana Dowlada ay bilwoday baaritaan la xiriira dhibka dhacay iyadoo gacanta lagu dhigay ninka dilka geestay.

Somaliska Vienna

Samiir Xasan Aadan

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here