Home Wararka Maanta Norway oo Somalida ku amaantay dadaalkooda Xakameynta Cudurka Coronavirus

Norway oo Somalida ku amaantay dadaalkooda Xakameynta Cudurka Coronavirus

0

Hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ee Norway FHI ayaa somalida ku amaantay xakameenta Xanuunka Corona oo markii hore Somalida lagu dhaliilay in aysan sameen dadaalka laga rabay ee Xanuunka.

Talafashinka Qaranka Norway NRK oo warbixin ka diyaariyay Somalida ayaa sheegay in sameeyeen dadaal ku aadan sidii loo yareen lahaa faafista xanuunka Corona waxana uu intaasi ku daray tirada Xanuunka uu soo ritay ee Somalida hoos u dhacday.

Madaxda Qeybta Caafimaadka u qaabilsan soo galootiga thor indesth oo dhankiisa la hadlay warbaahinta NRK ayaa Somalida ku amaanay dadaalka ay u galeen ka hortaga xanuunka Coronavirus bilihii u danbeeyay.

Said Mahamud Ali oo tifaftire ka ah Mareegta Norsomnews ayaa dhankiisa ka hadlay dadaalka ay somalida muujisay mar uu u waramey Talafashinka Dowlada waxana uu sheegay in guusha lagu gaaray sida dhabta ee somalida u qaadatay dadaalka looga hortagayo xanuunka.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here